Content on this page requires a newer version of Adobe Flash Player.

Get Adobe Flash player

Xarakada Islaax ee Soomaaliya waa xarako Islaami ah oo la asaasay 11 Luulyo 1978 oo waafaqsan 6 Shacban 1398H; waxayna salka ku haysaa fikirkii iyo manhajkii Xarakada Al-Ikhwaan Al-muslimiin ee la asaasay 1928dii. 
Xarakadu waxay ka shaqaysaa kor u qaadista ku dhaqanka Diinta Islaamka; ee qofka, qoyska iyo bulshadaba, iyadoo laga ambaqaadayo fahamka Islaamka ee wasadiyada iyo ictidaalka ku dhisan.
Waxaa kale oo xarakadu ka shaqaysaa sidii loo heli lahaa bulsho Soomaaliyeed oo dawlad hufan leh, horumarsan, fahamsan kuna dhaqanta mabaadi’da Islaamka sida shuurada, cadaaladda, sinnaanta iyo karaameynta insaanka iyo dhowrista xuquuqdiisa. 
Waxaa kale oo xarakadu higsanaysaa in laga dhigo guud ahaan dunida gaar ahaan gobolka Geeska Afrika meel nabad ah oo ka fog qulqulatooyinka iyo dagaalada, iyadoo laga hortegayo sababaha keeni kara dagaaladaas. 
Waxaa kale oo Xarakadu ka shaqaynaysaa in la xoojiyo xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dunida Carabta, Islaamka iyo Afrika.
Ugu dambeyntii, Xarakadu waxay kaalin ka qaadanaysaa sidii loo heli lahaa duni is xaq dhawrta, nabad ku wada noolaata, dulmiga ka hortagta, xoriyadna siisa qofka iyo shucuubta.

     
© all rights reserved to www.islaaxtoday.com